Cuntooyinka ilmaha 6 ilaa 12bilood

KORIIMADA ILMAHA GACANTEENEY
                       KU JIRTAA!

Mantay cuntada waa ka duwan tahay kuwii
 hore waxaana ugu tala galay inay ka faaiideys taan maamooyinka/ama aabayaasha,waa cuntada la siiyo ilmaha u dhexeeyo 6 bilood ilaa hal sano

Ilmaha marka ay gaaraan 6da bilood waa xiliga lagu wareero wixii lasiin lahaa caano iyo cuntaba,

Dhanka caanaha ilma hal caano in loo daayo ayaa fiican oo hadba mid lagu tijaabin, sababtoo ah is bedbedalka caanaha wuxuu ilmaha ka qasaa coloosha oo ku ridaa fuuqbax.

Dhanka cuntada waxaa idin haayaa 4 nooc oo lasiin karo waana sidan:

1- mushaari  haday tahay tan diyaarsan waxaad ugu qastaa caano ama biyo qandac ah /diiran, hadii aysan diyaar saneyn u kari.

2-1xabo moos mooska shiid ama sifiican u burbur/jajabi

3-carrot / carootada biyo ku kari amo cuntada ku dhex kari intaada cusbo ku darin


4-baradho/bocor/bataati macaan/ama wixii qidaartaas aad heli kar tid midka mida ama labo isugu kari
Cuntada aad  karineysid ugu dhax dar ama kaligood ukari kadibna sifiican u burburi/jajabi

F.G Ha ku darin wax cusbo ,sokor ama saliid ah, ilma udhexeeyo 6da bilood ilaa sanad uma baah na wax cusbo ama sokor ah,
Waxaa ku filan tan cuntada ku jirto

Adinkana nala wadaaga wuxii aad taqaanaa si aan ukala faaiideysana waad mahadsantihiin 🙋

Comments

Popular posts from this blog

Maraqa kaluunka 😊

Fried meat/Hilib duban