Posts

Showing posts from May, 2016

Kosto iyo ukun

Image
1:kosto 2:4xb  ukun 3:Nus koob caano 4:basal 5:barbarooni 6:waxyar cusbo 7:waxyar saliid        ISKU DARKA     Kostada -kostada sifiican udhaq ee jarjar -biyo dabka lasaar waxyar cusbo kudar -markey bislaato biyaha kamiir -kostada shiid ama sifiican uburburi         UKUNTA  -Basasha iyo barbarooniga siyaryar ujarjar ee baaquli ku shub -waxaad ku dartaa ukunti,caanaha,cusabada,kostada aad shiiday -sifiican isugu qas -Birtaawada dabka saaro saliid yar marmari -Markey kululaato kushu alaabti aad isku qasata -Markey dhinac kabislaato dhinaca kale si taxadar leh ugu gadi .

Soo dhaweyt Ramadan

Image
Waxaa inshallah soo wadaa cuntooyin Macaan oo  kala nuuc ah caafimaad kaa uroon oo ugu tala galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Pagekaan Lake saara si dad badan uga faaiideystaa.

Ha iku dilin gacantaada

Image
Iska ilaali Xiliga ramadaanka cuntooyinka lacuno qaar sida: 1:Cuntada badan ee hal mar lacuno ee hadana lala seexdo. 2:cuntada saliida badan sida Sanbuska iyo burka 3cuntada cusbada badan 4:Cuntata,cabitaanka ama shaaha sokorta badan . waxay keentaa caafimaad daro Aad u xun sida dheefshiidka oo sifiican ushaqeyn Sidaa darteed isku day inaad cunto cunto caafimaadkaada uroon, Si aad uga badbaado halis caafimaad

Baasto +UKUN +baradho

Image
INGREDIENTS        BAASTADA Nuskiilo baasto -Biyo dabka saaro markey karkaraan cusbo kudar baastada ku shub 3daqiiqo Cml dabka udaa markey bislato Miir. YANYADA 1:yaanyo iyo shiishiid 2:toon iyo kabsar 3:basal iyo barbarooniga 4:waxyar saliid        IKU DARKA Yanyada toonta kabsarta isku shiid saliid yar dabka saaro basasha kudar Yanyadi ku shub Ilaa 5 daqiiqo dabka udaa. UKUNTA IYO BARADHADA 1:Labo xabo baradho waaweyn 2:labo xabo Ukun waaweyn 3:waxyar cusbo 4:Waxyar bur ah 5:Saliid rubac        ISKU DARKA -Baradhada iyo ukunta biyo dabka lasaar -Markey bislaadaan qabooji ee fiiq -Baradhada cusbo tuman kudar ee burburi -Sacabkaada waxyar oo bur ah ku firfirdhi baradhadi ku fidi gacantaada xabad ukun ah kor saar ee kusoolaab sida sawirka hoose ka muuqata -Saliid birtaawada lasaar marley kululaato kurid baradhadi iyo ukunti sifiican uga shiil dhinacyada dhan. Intaa makaa sameysid baastadi saxan Ku shubo suugada yanyada korka uga shub baradhada iyo ukunta isku dhax jir

Pizza

Image
INGREDIENTS                    FOOLYADA 1:nus kiilo bur ah 2:qaado weyn leebito 3:waxyar cusbo 4:waxyar sokor    5:labo qaado saliid 6:waxyar caana boore qalalan -Isku dar burka sokorta cusbada caanaha isku qas ee ku dar saliida -ku dar biyo qandac ah waxyar waxyar si aysa kaaga jilcin -sifiican urifaaq -dabool ilaa 30 daqiiqo . Intow kuu qamiiraayo diyaarso suugadi kor laga saaraayay,ooka kooban: 1:hilib shiidan waxyar cusbo 2:yaanyo iyo shiishiid 3:toon iyo kabsar 4:basal iyo barbarooniga 5:waxyar saliid Yanyada toonta kabsarta isku shiid saliid yar dabka saaro basasha kudar Yanyadi ku shub Ilaa 5 daqiiqo dabka udaa. Hilibkane sidoo kale sifiican ukari . Foolyadi fidso ee labada dhinac kadub markey diyaar noqoto yanyadi korka uga shub hilibkane korka uga firaari, Bashasha iyo barbarooniga wareeg ujarjar ee korka ka Sara.

BASAl iyo BARADHO

Image
INGREDIENTS 1:xabad basal weyn 2:xabad baradho weyn 3:labo xabo ukun 4:waxyar cusbo 5:waxyar bur 6:toon iyo kabsar DIYAARINTA 1 Qudaarta sifiican udhaq 2 Basasha iyo baradhada ujarjar sida sawirka hoose ka muuqata                   3 Isku qas waxyar bur xabad ukun toonta iyo kabsarta iyo cusbadi kuna rid basashi ee sifiican udhex gali 4Ku shiil saliid basasha iy baradhada 5 ukunta hartay ku kari biyo kana fiiq qolofka una jarjar sida baradhada Kadib uhabee sadan.

BARIIS+UKUN iyo BARADHO

Image
INGREDIENTS  BARIISKA  1:Waxyar saliid  2:Xabad basal weyn  3:kabsar iyo toon  4:barbarooni  5:qorfe iyo heyl waxyar 6:cusbo qiyaas ah  7:Bariis rubac  UKUNTA IYO BARADHADA  1:Labo xabo baradho waaweyn  2:labo xabo Ukun waaweyn  3:waxyar cusbo  4:Waxyar bur ah  5:Saliid rubac  ISKU DARKA BARIISKA  Bariiska sifiican udhaq -Saliida babka digsi lasaar - markeysaliida kululaato kudar basasha barbarooniga kabsarta toonta -kudar bariiska sifiican ukhalee -Kudar cusbada iyo biyo aad karkarisay kuna walaaq -babka udaa ilaa uubislaado.  UKUNTA IYO BARADHADA  -Baradhada iyo ukunta biyo dabka lasaar -Markey bislaadaan qabooji ee fiiq -Baradhada cusbo tuman kudar ee burburi -Sacabkaada waxyar oo bur ah ku firfirdhi baradhadi ku fidi gacantaada xabad ukun ah ko saar ee kusoolaab sida sawirka hoose ka muuqata -Saliid birtaawada lasaar marley kululaato kurid baradhadi iyo ukunti sifiican uga shiil dhinacyada dhan. Bariiska cadaan iyo gaduudba waaku sameysa kartaa.