Baasto dalacbilaash lagu sameeyey & kaluun
Waan Ka maaranaa in aan cunto kasta hilib ku karsanno.
Hadaba maanta waxaan samaynaynaa baasto dalacbilaash lagu sameeyey & kaluun gooni loo shiilay.
Iskudarka suugada dalacbilaashka
* 3 Xabo basal ah
* Toon inta aad rabto
* Tamaandho/yaanyo shiidan
* Bisbaas
* kamsar caleen
* cheese
* Qaadada shaaxa oo Maraq digaag ah
Samayska
Basasha ayaad aad u yaryaraynaysaa waxaadna isku shiilaysaa basasha & toonta.
Marka ay bislaato oo ay casaayo/guduudato ayaad tamandhada, kamsar caleenta & basbaaska isku shiidaysa ka dibna waad isku daraysaa. Maraqdigaaga ayaad Ku daraysaa
5 daqiiqo ayaad dabka u dayanaysaa baasto nå gooni ayaad usii karsanaysaa.
Marka ay suugada shiilmato/ qalaysmato waxaad ku daraysaa Koob haafkiis oo biyo ah.1 daqiiqo kadib cheese ka ayaad Ku daraysaa waadna ku walaaqaysaa.
Marka uu is jiidjiido sida aad video ga uga jeedo baastadii kuu bislayd ayaad Ku darsanaysaa waad is dhex galinaysaa waadna ka dajinaysaa
Baastadii saas ayaad Ku karsatay
Kaluunka ayaa kuu haray
Iskudarka
* kaluun
*Qaadada shaxa maraqdigaag ah
* Qaado saliid ah
* jeex liin ah
* barbarooni yar
Samayska
Maraqdigaaga, liinta saliida & barbarooniga ood xoog u yaryaraysay ayaad isku qanaysaa. Kaluunka ayaad Ku dhex ridaysaa. Maqliga ayaad dabka saaraysaa marka uu diiri ayaad Ku ridaysaa.saliid haku darin waayo waad ku qastay takale kaluunka saliid ayuu leeyahay asal ahaan
Dabka marka aad saarto ku yara dabool si uu u huuro marka uu hoosta ka casaado/guduuto ayaad dhanka kale u rogaysaa. Sidaas ayuu u qurux badanaanayaa. Macaankana adaa arki doono
Comments
Post a Comment