Bajiye

Bajiyaha waan maqalnay ama cunnay badankeen. waa cunto aad u macaan. lkn bishii ama 2dii bil mår iska cun. maadaama uu Ka saliid badanyahay cuntooyinka kale kana bisbaas badanyahay.

      SAMAYSKA
digirta aad sawirka ka aragtaan. waad soo iibinaysaa/gadaysaa, kadib biyo ayaad la dhigaysaa ilaa 12 saac. kadib waad burburinaysaa si uu dubka/xuubka uga dhilmo/fiiqmo. waad kala miiraysaa miiraysaa digirta & dubka. kadib waxaad ku diraysaa ood isku shiidaysaa.....
1: digirta
2 :1 basal
3: 4-5 toon
4: xoogaa kadar caleen ah
5: Koob haafkii oo biyo ah
6:2xabo beyd/ukun
7: xoogaa daqiiq/ bur ah ood ku yara  adkayso maadaama ay digirtu aad u jilicsantahay.

marka aad isku shiido saliid ayaad dabka saaraysaa xoogaa ah. qaado yar ayaad dardarsanaysaa waxaadna u shiilaysaa sida sambuska.

Comments

Popular posts from this blog

Maraqa kaluunka 😊

Cuntooyinka ilmaha 6 ilaa 12bilood

Fried meat/Hilib duban