baasto iyo suugo hilib shiilan

baasto iyo suugo hilib shiilan (kabab)

     INGREDIENTS
        HILIBKA
   Waxaad ubaahantahay
1:rubac hilib ah
2:1xabo ukun ah
3:nuskoob bur ah
4:toon iyo kabsar
5:qaado saliid ah
7:waxyar cusbo ah


     Dalac bilaashka
Waxaad ubaahantahay

1:yanyo
2:shiishiid
3:1xabo basal weyn
4: toon iyo kabsar
5:qaado sokor ah
6:waxyar cusbo ah

  DIYAARINTA
1-Hilibka ku shiid toonta iyo kabsarta iyo waxyar cusbo ah
2-baaquli ku rid ee ku dar ukunta iyo burka iyo qaado saliid ah
Sifiican iskugu rifaaq
3-kuus yaryar ka dhig

4-saliid yar ku shub birta
Dabkana ugaabi
Dhinacyada ka gaduudi
Daboolo intaa yanyada ka sameyneysid

   Suugada
1-digsiga saliid ku shubo markey  kululaato kudar basasha iyo toonta oo si yaryar ujartay
2-ku dar yanyada waxyar cusbo ah iyo kabsarta markey  xoogaa bislaato
3-kudar shiishiidka iyo qaado sokor ah iyo hilibkii aad shiilatay
-Udaa dabka ugu yararaan 30daqiiqo
 
-kudiyaari baastada saxan suugada dusha uga shub.

Comments

Popular posts from this blog

Maraqa kaluunka 😊

Cuntooyinka ilmaha 6 ilaa 12bilood

Fried meat/Hilib duban