Posts

Showing posts from July, 2017

Ukun iyo baradho bur ladhex galiyay

Image
Ukun iyo baradho bur ladhex galiyay        INGREDIENTS 1: 2 koob bur ah 2:Hal xabo ukun 3: 3qaado sokor 4:qaado leebito 5:waxyar cusbo 6:nus koob caano diiran ah    BARADHO IYO UKUN 1:Nus kiilo baradho 2:2xabo ukun 3:1xabo basal 4:1xabo barbarooni 5:toon iyo kabsar 6:1xabo karooto 7:waxyar cusbo      DIYAARINTA -Baradhada iyo ukunta biyo ku Kari     - baradhada fiiq ee burburi -jarjar ukunta, basasha,barbarooniga, kaarootada,toonta iyo kabsarta ee ku dar -5daqiiqo udaa dabka adigoo wax yar kadibba walaaqaya.            ISKU DARKA -kushub burka baaquli ee kudar: sokorta,leebitada,cusbada, - isku qas ee kudar ukunta -caanaha inyar inya ugu dar ee sifiican u xas 30daqiiqo dabool si uu u khamiiro -Inyar ujar ee wareeg qafiif ah ufidi Xoogaa baradhadii ah dhaxda kaga shub ku soo laab sida sida sawirka kaaga muuqata. saliid dabka saaro markey kululaato labada dhinac kaga dub.

baasto iyo suugo hilib shiilan

Image
baasto iyo suugo hilib shiilan (kabab)      INGREDIENTS         HILIBKA    Waxaad ubaahantahay 1:rubac hilib ah 2:1xabo ukun ah 3:nuskoob bur ah 4:toon iyo kabsar 5:qaado saliid ah 7:waxyar cusbo ah      Dalac bilaashka Waxaad ubaahantahay 1:yanyo 2:shiishiid 3:1xabo basal weyn 4: toon iyo kabsar 5:qaado sokor ah 6:waxyar cusbo ah   DIYAARINTA 1-Hilibka ku shiid toonta iyo kabsarta iyo waxyar cusbo ah 2-baaquli ku rid ee ku dar ukunta iyo burka iyo qaado saliid ah Sifiican iskugu rifaaq 3-kuus yaryar ka dhig 4-saliid yar ku shub birta Dabkana ugaabi Dhinacyada ka gaduudi Daboolo intaa yanyada ka sameyneysid    Suugada 1-digsiga saliid ku shubo markey  kululaato kudar basasha iyo toonta oo si yaryar ujartay 2-ku dar yanyada waxyar cusbo ah iyo kabsarta markey  xoogaa bislaato 3-kudar shiishiidka iyo qaado sokor ah iyo hilibkii aad shiilatay -Udaa dabka ugu yararaan 30daqiiqo   -kudiyaari baastada saxan suugada dusha uga shub.